TOP NEWS:- Qaar ka mid ah Madaxda Dawladda oo xalay shacabka kula dabaaldagay beerta Nabadda ee magaalada Muqdisho.

0

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa xalay boqolaal qof kula dabaal degay beerta Nabadda oo ka mid ah meelah ay isugu yimaadaan Bulshadda Soomaaliyeed.

Intii uu socday dabaaldega oo ahaa mid lagu xusaayay 1-da Luulyo ayaa Mas’uuliyiintii ka qeyb galay waxa ay shacabka ugu baaqeen in ay dowladda kala shaqeeyaan xaqiijinta Amniga Muqdisho.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed oo ka mid ah Mas’uuliyiintii ka qeyb galay dabaal dega ayaa Mas’uuliyiinta Beerta Nabadda ugu baaqay in ay Shacabka ka joojiyaan lacagaha laga qaado maadaama ay tahay goob dadweyne.

Bulaleyr ay dadka reer Muqdisho ay ka argagaxeen ayaa muddo laga ridaayay Beerta Nabadda.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay u shaacisay in lagu gudajiro todobaadkii xorriyadda Soomaaliya.