TOP NEWS:- Maamulka Somaliland oo amaro kusoo rogay Ardayda Dugsiyadda Sare.

0

Maamulka Somaliland ayaa Amaro adag kusoo rogay ardeyda Dugsiyadda Sare ee Imtixaanku uga socda degaanada maamulka Somaliland.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada maamulka Somaliland Cabdullaahi Habane oo Saaxaafadda la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in Ardeyda laga doonaayo in ay ilaaliyaan nidaamka Imtixaanka , isagoona sheegay in tilaabo adag laga qaadi doono cidii ku xadgudubta Sharciga.

Arday tiradoodu ku dhawdahay 27,000 oo arday ayaa shalay imtixaanka shahaadiga ah u fadhiistay guud ahaan Somaliland.

Imtixaankan ayaa ku soo beegmay wakhti ay wasaaradda waxbarashadu soo saartay go’aamo adag oo ka dhan ah kala eegashada imtixaanka, kuwaas oo isugu jira xarig iyo imtixaanka oo ardayga lagu qabtaa uu ka haraayo