TOP NEWS:- Iiraan oo shaacisay dhaqaalaha kasoo gala Soomaaliya inuu kordhay.

0

War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska Ururka Ganacsiga u qaabilsan ee dalalka Carabta iyo Afrika dowladda Iiraan ayaa lagu sheegay in uu kordhay daqliga dowladda Iiraan kasoo gala Alaabaha ay u iib geyso Soomaaliya.

Warbixin kasoo baxday Ururkaasi oo lagu daabacay Wakaaladda Wararka ee dalka Iiraan ee lagu magacaabo IRNA ayaa lagu sheegay in dowladda Iiran Sanadkaan daqliga kasoo gala Alaabaha ay u dhoofiso Soomaaliya in uu kordhay 38% kiiba.

Wakaaladda ayaa sheegtay in dowladda Iiran ay Soomaaliya u soo dhoofiso Alaabo ay ka mid yihiin Shamiitada, Cabitaanada,Dawooyinka iyo Alaabaha Maacuunta.

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Ganacsiga Iiran ayaa sheegay in dowladdaha Iiran iyo Soomaaliya uusan joogsan ganacsiga ka dhaxeeyay tan iyo markii uu xumaaday xiriirka Labadal.