DHAGEYSO:- Gudoomiye Taabid Cabdi oo sheegay inay mamnuucayaan lacagaha laga qaado dadka marka ay galayaan Beerta Nabadda.

0

Gudoomiyaha gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed oo warbaahinta kula hadlay Beerta Nabadda ee degmada Waabari ayaa waxaa uu sheegay in ay waddaan qorshayaal lagu mamnuucaayo lacagaha laga qaado Bulshadda Soomaaliyeed ee gudaha Beerta Marka ay galayaan .

Gudoomiyaha ayaa sheegay in Beerta Nabadda ay tahay meel loogu tala galay in Bulshadda Soomaaliyeed ay damaashaad u yimaadaamn ,islamarkaana ganacsatada Beerta Nabadda laga doonaayo in ay hakiyaan lacagaha lagu galo beerta.

Waxaa uu sheegay Taabid Cabdi Maxamed in ay muhiim tahay in Bulshadda Soomaaliyeed aysan Beerta Nabadda u fahmin beerta Ganacsiga.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale xusay in beerta Gudaheeda Ganacsiyadda ku yaalla kaliya la ogol yahay in wax laga gado.

Bulshadda Soomaaliyeed ee damaashaad u taga Beerta Nabadda ayaa waxaa laga qaadaa lacago lagu gallo beerta Nabadda.

 

HOOS KA DHAGEYSO