DHAGEYSO:- Falaagada Al Shabaab oo degmada Jilib ku toogtay laba nin oo ka tirsanaa ururkaas oo u dhalatay dalka Hindiya.

0

Wararka naga soo gaaraya degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in Al-Shabaab ay toogteen labo nin oo u dhalatay dalka Hindiya ,kuwaa soo la sheegay in ay ka mid ahaayeen dagaalyahanada Al-Shabaab.

Sida ay xaqiijiyeen dadka degaanka labadaasi nin ayaa Al-Shabaab waxa ay uga shakiyeen in ay ka tirsan yihiin sirdoonka dalalka reer Galbeedka.

Ilo lagu kalsoon yahay oo ku sugan degmada Jilib ayaa Warbaahinta gudaha dalka u sheegay in Al-Shabaab ay dileen labadaasi nin.

Wararka ayaa sidoo kale waxa ay sheegayaan in labadaasi nin ay iskudayeen in ay ku biiraan kooxda Daacish.

HOOS KA DHAGEYSO