DHAGEYSO:- Danjire Micheal Keating “Dowladaha Caalamka waxaa laga doonaayo in ay si dhow ula shaqeeyaan dowladda Soomaaliya”.

0

Ergayga gaarka ah ee xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Danjire Micheal Keating ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay wali heystaan caqabado waa weyn oo u baahan in laga taageero.

Micheal Keating ayaa sheegay in ay wali taagan yihiin muranka ku saabsan xuduudaha iyo isku dhacyadda Bulshadda Soomaaliyeed.

Waxaa uu sheegay in dowladaha Caalamka laga doonaayo in ay si dhow ula shaqeeyaan dowladda Soomaaliya.

Wakiilk ayaa qiray in Soomaaliya ay sanadyadii lasoo dhaafay ay gaartay horumaro la taabankaro , inkastoo wali ay taagan yihiin caqabadii ugu waa weynaa.

Waxaa uu tilmaamay in kumanaan qof ay wali ku jiraan Barakac ay sababeen Abaaraha iyo sidoo kale dagaalka lagula jiro Kooxaha Argagixisadda ah.

12-ka Bilood ee socota ayuu xusay Keating in dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo ay la dagaalami doonto Amnida dalka ka jirta.

Ugu dambeyntii danjiraha Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay iskaashiga Shacabka iyo dowladda si looga gudbo Caqabadahaasi.

HOOS KA DHAGEYSO