TOP NEWS:- Ciidamada Amaanka Kenya oo dhalinyaro ay ka shakiyeen kala haray diyaarad usoo socotay Muqdisho.

0

Ciidamada Kenya ee ku sugan garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta ayaa Diyaarad usocotay Magaalada Muqdisho kala haray 5 dhalinyaro Soomaali ah oo qurbaha ka yimid.

Diyaaradan oo ka soo kacaysay Magaalada Nairobi ayay ciidanka amaanku dhalinyarada kula hadheen Garoonka diyaaradaha halkaas oo la sheegay in su’aalo lagu waydiinayay.Dhalinyaradan laga shakiyay ayaa qaarkood ka yimaadeen wadamada yurub.

Sida ay baahiyeen Warbaahinta magaalada Muqdisho, dhalinyaradaan ayaa haatan lagu hayo Magaalada Nairobi.

Dhinaca kale Diyaarada ayaa waxa la socday Madaxweynaha Koonfur Galbeed Somaliya Me. Shariif Xasan Sh Aadan iyo Xildhibaan Cabdi Xasan Cawaale (Qayb Diid).