DAAWO SAWIRRADA:- Soomaalida gobolka Ohio ee dalka Mareykanka oo Xusay 1-da Luulyo.

0

Kumanaan Soomaali ah ayaa ka soo qeybgashay xaflad lagu maamuusayay Sanadguuradii 57aad ee ka soo wareegtay markii uu dalka Soomaaliya ka xoroobay gumestihii goboladda kala haystay taas oo ka dhacday magaalada Columbus Ohio.

Waxaa munaasabadan goobjoog ka ahaa shaqsiyaas si weyn bulshada looga dhexyaqaan, iyo Masuuliyiin ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaas oo dhamaantood si weyn ugu xeel dheeraaday ka sheekaynta ahmiyada ay malmahani u leeyihii Umadda Soomaaliyeed.

Xarunta Jaaliyada Soomaaliyeed oo soo abaabulay xafladan ayaa dhankooda sheegay in ujeedkoodu yahay in Jiilasha soo koraya iyo kuwa imaan doona ay dhaxlaan taariikhdooda looba qeexo marxaladihii loo soo maray halgankii xoriyada iyo sibadaladii Guulaha iyo Guuldaradaba xanbaarsanaa taas oo si cad u sharaxaysa wixii dhacay xiligii Gumeystaha iyo Kadiba.

Dhamaan masuuliyiintoo ka hadashay oo ay ku jireen Masuuliyiin ka socday Xaafiiska Duqa Columbus kuwaas oo matalayay Maamulka gobolka Ohio.

Inta badan caalamka ayaa laga xusaa maalintan taas oo astaa u ah jiritaanka dalk iyo dadka Soomaaliyeed.

Kooxda Midnimo ee ka dhisan Columbus ayaa Heeso wadani ah kaalintooda kaga ciyaaryay halka Abwaan Soomaaiyeedna uu ku soo bandhigay Gabayo aad u qiirobadan oo ka hadlaya Ahmiyada xornimada iyo jiritaanka Umadda.

Xafladan oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimay waxay ku soo idlaatay Jawi aad u dagan.