TOP NEWS:- Mareykanka, Sucuudiga iyo Imaaraadka Carabta oo Hambalyo usoo diray Soomaaliya.

0

Qaar ka mid ah dowladaha Caalamka ayaa Soomaaliya ugu hambalyeeyay 1-Luulyo oo ah maalintii ay xornimada qaateen gobolada Koonfureed ee Soomaaliya iyo sidoo kale ah israacii gobolada koonfurta iyo waqooyiga.

Dowladahaasi oo ay ka mid yihiin Imaaraadka Carabta , Sucuudiga iyo Mareykanka waxa ay sheegeen in ay Farxada la qeybsanayaan Shacabka Soomaaliyeed.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradaha Arrimaha dibada ee dalalkaasi ayaa lagu sheegay in si gaara ay hambalyo ugu dirayaan Madaxweynaha Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed iyo ra’iisul Wasaaradaha dalka Mudane Xasan Cali Kheyre.

Sidoo kale dowladahaasi waxa ay sheegeen in sanadkaan sanadkiis ay u rajeynayaan umadda Soomaaliyeed horumar iyo barwaaqo.

Dhinaca kale Dowladda Maraykanka ayaa shacabka Soomaaliyeed iyo dowladooda ugu hambalyeeysey 57 sano guuradii maalinta xornimada gobolada Koonfurta iyo israaca gobolada Waqooyi ee 1-da Luuliyo.

Safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya Stephen Schwartz ayaa war uu soo saarey ku sheegay isaga oo ku hadlaya magaca Dowladda Maraykanka in uu hambalyo u dirayo shacabka Soomaaliyeed meelkasta oo ay ku sugan yihiin.

Soomaaliya ayaa maanta u dabaaldeggaysa 57-guurada ka soo wareegatay markii gobollada koonfureed ay xornimada qaateen sidoo kale-na ay is-raaceen labadii gobol ee Koonfur iyo Waqooyi.