TOP NEWS:- Mahad Cabdalla Cawad “Shacabka waa inay Shabaab iska dhex saaraan”.

0

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay iska soo dhex saaraan Shabaabka guryahooda kujira oo ay dowladda gacanta usoo geliyaan.

Waxa uu sheegay in dowladda aysan Al-Shabaab ka guuleysan Karin inta shacabka iyo Al-Shabaabku meel ku wadanool yihiin.

Waxa uu tilmaamay in qodob dastuuri ah uu tilmaamay in shacabka ay dowladda kala shaqeeyaan xaqiijinta amaanka guud ee dalka iyo la shaqeynta Hay’addaha kala duwan.

Waxa uu shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday in ay la shaqeeyaan dowladda oo Hay’addaha amaanka usoo gudbiyaan macluumaad walbo oo ku saabsan Al-Shabaab.

Madaxda Dowladda ayaa shacabka Soomaaliyeed inta badan ku dhaliila in aysan la shaqeyn Hay’addaha amaanka maadaama qaraxyada ka dhaca Muqdisho intooda badan Saraakiisha amaanka ay sheegaan in laga soo abaabulo meelo ka mid ah Muqdisho kuwa ay Ciidamada amaanka fashiliyaana laga soo qabto garaashyo ku yaalla degmooyinka Gobolka Banaadir.