TOP NEWS:- Madaxweyne Farmaajo Maxuu ka yiri wadahadalada Somaliland?

0

Madaxweynaha Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay in dib loo bilaabo wadahadaladii u dhaxeeyay dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale maamulka Somaliland.

Mudane Farmaajo ayaa ballan qaaday in la mideyn doono umadda Soomaaliyeed , isagoona ay sheegay in dowladda Soomaaliya door muhiim ah ay ka cayaari doonto isku keenida Shacabka Soomaaliyeed si gaara Koonfurta iyo gobolada Waqooyi.

Dhawaan ayuu sheegay Madaxweyne Farmaajo in wadahadaladii Somaliland iyo Soomaaliya ay dib u bilaaban doonaan.

Hadalkaan ayuu Madaxweyne Farmaajo uu xalay ka sheegay munaasabad loogu dabaaldagaayay 1- Luulyo oo lagu qabtay Muqdisho.

Tan iyo markii la yagleelay dowladda uu hoggaamiyo Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa waxaa hakad ku yimid wadahadaladii u dhaxeeyay Somaliland iyo Soomaaliya.