DHAGEYSO WARBIXIN:- Soomaaliya oo maanta u dabaaldageysa 57 Guuradii kasoo wareegtay maalinta Xoriyadda.

0

Somalia ayaa maanta u dabbaaldeggayso 57-guurada ka soo wareegatay markii gobollada koonfureed ay xornimada qaateen sidoo kale-na ay is-raaceen labadii gobol ee Koonfur iyo Waqooyi.

Madaxweynaha Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xalay munaasabad calan saar ah oo Muqdisho lagu qabtay ka hadlay ayaa sheegay in Somalia ay uun mar isku soo noqon doonto.

Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo ayaa ka hadlay Somaliland, isagoo sheegay in dowladdiisu ay diyaar u tahay inay dib u bilowdo wadahadalladii u dhaxeeyay Somaliland iyo dowladda Somalia.

Dhinaca kale Dowladda Maraykanka ayaa shacabka Soomaaliyeed iyo dowladooda ugu hambalyeeysey 57 sano guuradii maalinta xornimada iyo israaca ee 1-da Luuliyo.

Safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya Stephen Schwartz ayaa war uu soo saarey ku sheegay isaga oo ku hadlaya magaca Dowladda Maraykanka in uu hambalyo u dirayo shacabka Soomaaliyeed meelkasta oo ay ku sugan yihiin.

HOOS KA DHAGEYSO