AKHRISO:- Guusha Dawlada Qadar Iyo Guuldarada Isbahaysiga Boqortooyada Sucuudiga.

0

Dhamaadka Bishan Jun iyo Ramadan waxaa dhacay labadii go’aan ee ugu saameynta iyo hadal heynta badneed Qarnigaan Gacanka Khalijka, Gobalka Bariga dhexe, Dunida Islaamka iyo Caalamka intiisa kale waana; go’doomintii Qadar iyo magacaabidii dhaxal-sugaha Sacuudiga.

Hadaba waxaan qormadan ku eegeynaa: guulaha Qadar iyo khasaaraha Sacuudiga;

A. Guulaha Qadar ay ka gaartay dhanka Siyaasada, Dhaqaalaha iyo Awooda Ciidan;

1. Golihii Iskaashiga Khalijka oo u qeybsamay 3 iyo 3. Jaamacadii Carabta oo u qeybsantay 12 taageyrtay Qadar iyo 10 taageertay Sacuudi oo u badan Dawlado yaryar ama faqiir ah. Dawladaha Islaamka oo intooda badan Qadar taageeray ama ka aamusay, gaar ahaan kuwa ugu awooda badan sida; Turkey, Iiraan, Indunusiya, Maleziya iwm.

2. 5 ta golaha ammanka oo 3 ka mid ah taageertay Qadar sida; Ruushka, Shiinaha iyo Faransiska + Jarmalka iyo laba uu Sacuudigu isku haleynayey oo noqday dhexdhexaad sida; Mareykanka iyo Ingriiska.

3. Ururada Caalamiga ama Gobaleedka oo dhexdhexaad ka noqday xal Diblumaasi na ku dhawaaqay sida; Qaramada Midoobay, Midawga Yurub, Midawga Afrika iwm.

4. Dhinaca cunaqabateynta dhaqaalaha oo ay heshay Qalabka iyo Cuntadii ay ka heli jirtay Sacuudiga iyo Imaaraatka bedelkooda Turkey, Iiraan iyo Cuman.

5. Dhinaca Awooda Ciidan iyo Difaaca, waxey ku guuleysatay in Saldhigii Ciidan ee Mareykanka ay ku darsato Saldhig cusub ee Turkey iyo in Mareykan lagu baqdin geliyo! Hadii uu ka baxo Qadar in ay soo galayaan Ruushka iyo Iiraan oo Khalijka lala qeybsan-doono, taa ayuuna ka baqay markii ay Sacuudiga iyo Imaaraatku ka codsadeyn in uu Qadar ka soo guuro.

6. Arimihii lagu eedeeyey Qadar oo been noqday iyo Shuruudihii lagu xiray oo lala yaabay, liona arkay in datafka kale uusan rabin heshiis iyo nabad gobalka.

B. Khasaaraha Siyaaasadeed, Dhaqaale iyo Awood Ciidan ee Dawlada Sacuudiga kasoo gaaray go’doomintii walaalkeed Qadar.

1. Hay’badii, Sumcadii, Hogaamintii iyo Magacii Sacuudiga ee dunida iyo deriska oo dhaawac soo gaaray.

2. Shacabka Khalijka oo kala irdhoobay.

3. Dawlado badan oo raacsanaa Sacuudi ama ixtiraami jiray oo diiday go’aanadeeda kuna cibra qaatay sida ay ula dhaqantay walaalkeed, kadibna ku waysay saaxiibo muhiim u ahaa marxaladaan sida; Turkey… iwm.

5. Ururadii iyo Isbahaysiyadii uu hormuudka ka ahaa oo burburay ama dhaawacmay sida; Golihii Khalijka, Jaamacadii Carabta, Ururkii Iskaashiga Islamka, Isbahaysigii Ciidamada Islaamka, Xulafadii Dagaalka Yemen iwm.

5. Hogaamintii Xulafadii Dawladaha Sunniga ah ee la dagaalanka Shiicada.

6. Hadiyad iyo Fursad uu siiyey Iiraan oo ay ku soo gasho Khalijka iyo arimaha Dawladaha Sunniga ah.

7. Hadiyad iyo Fursad uu siiyey Israa’il kadib markii ay ka heshay Sacuudiga Sharciyad ay mar kale ku baabi’ karto Gazza iyo Xamaas, kuna xalaashiisa karto Caasimada Qudus, kuna hagaaji karto xiriirkeeda Sacuudiga. Kadib markii lagu xukumay Xamaas Argagaxiso.

8. Waxey Fursad siisay Quwadaha waaweyn in ay ku loo lamaan, xoogna ku fara geliyaan Khalijka kuna dhex Dagaalamaanka sidii Suuriya iyo Falastiin.

9. Waxaa khatar galay arimaha Siyaasada iyo ammanka Sacuudiga iyo Gobalka ka dib go’aanka go’doominta iyo magacaabida bin Salmaan iyo dagaaladii Yemen iyo Suuriya.

Hadaba maxaa la gudboon Dawlada Somaliya iyo xiriirkeeda Khaliijka iyo Turkey iyo Iiraan, sidee dhibkooda loo yareyn karaa? Loigana Faa’iisan karaa dhaqaalahooda iyo awoodooda Siyaasadeed?

Qore: Wasiiru dowlahii hore Wasaaradda Arrimaha
dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya
Mudane Maxamed Nuur Gacal