WAR DEG DEG AH:- Ciidanka Dowladda oo Al-Shabaab ka saaray qaybo ka mid ah Shabeellaha Hoose.

0

Wararka naga soo gaaraya Gobalka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in halkaas uu dagaal xoogan ku dhexmaray Ciidanka Xoogga Dalka iyo Maleeshiyada Nabad diidka ah ee Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan dowladda ayaa sheegay in Al-Shabaab ay kaga qabsadeen dagaalkaas degmada Janaale iyo Deegaanka Murshaani oo ka tirsan Gobalkaas.

Sidoo kale Saraakiisha dowladda ayaa sheegay inay khasaaro badan gaarsiiyeen Maleeshiyada Al-Shabaab oo dhibaato badan ku haayay shacabka ku nool deegaanada lala wareegay.

Dowladda Soomaaliya ayaa wada Howlgalo balaaran oo ka dhan ah maleeshiyada Nabad iyo Nolol diidka ah ee Al-Shabaab ku caasi oo caadaystay inay Gumaadaan Shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa horay u sheegay in la cafin doono hadii maleeshiyada Al-Shabaab ay isku soo dhiibaan dowladda, waxaana jira dhalinyaro badan oo ka faa’iideystay cafiskaas kuwaas oo isku soo dhiibay dowladda Soomaaliya.

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allguud Media