TOPNEWS:- Qarax ciidamada AMISOM lagula eegtay magaalada Muqdisho.

0

Qarax Miino ayaa kolonyo ka tirsan Ciidanka AMISOM waxaa lagula eegtay wadada Warshadaha ee magaalada Muqdisho, sida ay warbaahinta Risaala u sheegeen dad goob joogayaal ah.

Qaraxa oo dhacay saakay Abaare 08:00 Subaxnimo ayaa waxaa laga maqlay qaar ka tirsan degmooyinka gobolka Banaadir, gaar ahaan degmooyinka ka akdhow halkaasi oo ay ka mid yihiin Hodan, Yaaqshiid iyo Deyniile.

Dadka degaanka ayaa Risaala u sheegay Qaraxa in lagu aasay wadada dhinaceeda uuna haleelay mid ka mid ah kolonyadii ay wateen Ciidanka AMISOM, balse ilaa hada aanan la xaqiijin karin khasaaraha rasmiga ah ee gaaray Ciidanka AMISOM.