TOP NEWS:- Munaasabadda 1-da Luulyo oo caawa ka bilaabatay Aqalka Dowladda Hoose ee Muqdisho.

0

Xuska munaasabadda 1-da Luulyo ayaa goordhaw ka bilaabatay Aqalka Dowladda Hoose ee Muqdisho, halkaasi oo ay ku suganyihiin Madaxda Qaranka, diblomaasiyiin, marti sharaf iyo xbno kale oo munaasabadda lagu casuumay.

Madaxda ayaa ka hadli doonta taariikhdii loo maray markii gobollada Koonfureed ay xornimada ka qaateen Gumeystihii Talyaaniga iyo midowgii labada gobol ee Waqooyi iyo Koonfur 1-dii Luulyo ee sanadkii 1960-kii oo hadda laga joogo 57 sano.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa caawa si aad loo adkeeyay, waxaana dhamaan waddooyinka muhiim ah ee magaalada lagu arkayo ciidamo qaabilsan adkeynta Nabadgelyada caasimaadda.