DHAGEYSO:- Maxaabiis kale oo Madaxweyne Faramaajo cafis u fidiyay oo laga sii dayay xabsiga dhexe ee Xamar. iyo Cadaalad daro baahsan.

0

Todobaatan iyo koow nin oo Maxaabiis ahaa, ayaa shalay gelinkii dambe waxaa laga sii daayay Xabsiga Dhexe ee Xamar, maadaama uu cafis u fidiyay Madaxweynaha Soomaaliya.

Guddoomiyaha Guddiga xaqiiqo raadinta ee Madaxweynaha uu u xilsaaray xaalada Maxaabiista ku xiran xabsiga dhexe ee Xamar Nuur Diiriye Xirsi ayaa sheegay dadkan in lagu sii daayay cafis uu u sameeyay Madaxweynaha.

Wuxuu kaloo sheegay dhammaan dadka la sii daayay in ay galeen dambiyo fudud oo ay ka mid yihiin in lagu lahaa lacago yar yar, ayna soo arkeen dad u xirnaa lacag dhan 30 Dollar, mudo Saddex sano.

“Waxaan araknay dad badan oo muwaadiniin Soomaaliyeed ah oo u xirnaa si dulmi ah oo qaldan, waxaan araknay dad u xirnaa 30 Dollar, waligood dadkan lama soo deyn laheyn hadii aanay Madaxweynaha cafiska u fidin laheyn” Waxa sidaasi yiri Nuur Diiriye.
Maalintii Talaadada, ayay ahayd markii sidaan oo kale Xabsiga Dhexe Xamar looga sii daayay 13 nin, oo uu cafis u fidiyay Madaxweyne Farmaajo.

HOOS KA DHAGEYSO