DHAGEYSO:- Maamulka Puntland oo maanta toogtay todobo nin oo horey Maxkamad u xukuntay.

0

Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa maanta waxaa lagu toogtay Todobo Rag ah oo Dhalinyaro u badan, kuwaasi oo horey Maxkamaddu ay ugu xukuntay dil toogasho ah.

Dadkan ayaa la sheegay in lagu helay eedo ahaa in ay ka tirsanaayeen ururka Al-Shabaab, in ay dilal ka geysteen magaalooyin ka mid ah Puntland iyo qaar la sheegay in lagu qabtay iyagoo sida qaraxyo.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada 5-ta gobol ee Puntland Cawil Axmed Faarax ayaa sheegay raggan in horey xukun dil ah loogu riday, balse maanta lagu fuliyay xukunkooda.

Wuxuu kaloo sheegay Guuddoomiyaha qaar ka tirsan raggan maanta la toogtay in ay qorsheynayeen Qaraxyo ay ka fuliyaan Waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

 

HOOS KA DHAGEYSO