DHAGEYSO:- Gudoomiyaha Midowga Afrika Alpha Conde oo ka hadlay xiisada Dalalka Khaliijka iyo eedeeyn uu Qadar u jeediyay.

0

Guddoomiyaha Midowga Afrika ahna Madaxweynaha dalka Guinea Alpha Conde ayaa ka hadlay xiisada u dhaxeysa Dowladda Qadar iyo qaar ka tirsan dalalka Carbeed, Wuxuuna sheegay muhiim in ay tahay xiisada in loo bedelo wada hadal iyo nabadeyn.

“Argagixisada ma ahan arrin u taalla Sacuudiga iyo Abu Dabi, waa dhibaato caalami ah oo taabatay Afrika, waa waxa maanta ka socda dalalka Mali, Nigeria, Cameroon iyo kuwo kale” Ayuu yiri.

Wuxuu sheegay Boqorka Sacuudiga in ay isla garteen in ay la dagaalamaan Argagixisada, waxna laga qabto dalalka maalgeliya.

Sidoo kale Alpha Conde ayaa yiri “ Hadii dalal saaxiibo ah oo uu soo kala dhexgalo khilaaf, waxaa khasab nagu ah inaan xalino, waana taasi sababta aan u rabno inaanu dhexdhexaadino xiisada ka taagan khaliijka”.

 

HOOS KA DHAGEYSO