DHAGEYSO:- Guddoomiye Cabdullaahi Maxamed Xuseen oo faah faahin dheeraad ah ka baxiyay dagaalka Shabeellaha Dhexe.

0

Guddoomiyaha degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe C/laahi Maxamed Xuseen ayaa Warbaahinta gudaha dalka u sheegay Howlgalka ka socda degaanada gobolka Shabeellaha Dhexe in uu marayao meel gaba gabo ah.

Wuxuu sheegay Ciidanka xoogga dalka Saddexdii maalmood ee ugu dambeysay in ay qaadeen weeraro ka dhan ah Shabaab, taasi oo sababtay in Ciidamada ay la wareegaan degaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe oo horey ay ugu sugnaayeen Shabaab.

Sidoo kale wuxuu sheegay Guddoomiyaha Dagaaladaas Shabaab in looga dilay Dagaalyahano ka badan 10, halka tiro kalena looga dhaawacay.

Dhanka kale C/laahi Maxamed Xuseen Guddoomiyaha degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegay Howlgalka markiisii hore in uu ka bilowday Bari, lana soo gaba gabeeyay, wixii hada ka dambeeyana ay ka bilaabi doonaan dhanka Galbeed.

“Howlgalka Shabeellaha Dhexe intiisa badan wuu soo gaba gaboobay, qeybta Bari ayaan ka bilownay, wixii hada ka dambeeyana waxaan u jiheysan doonaa dhanka Galbeed ee gobolka, Ciidamada Dowlada degaano badan ayay Shabaab kala wareegeen, intii u dagaalka socday waxaan dilnay xubno Shabaab ka tirsan”. Ayuu yiri Guddoomiye C/laahi.

HOOS KA DHAGEYSO