DHAGEYSO:- Ciidamada Dawladda Soomaaliya oo maanta Maleeshiyaadka Al Shabaab kala wareegay gacan ku haynta Janaale.

0

Wararka naga soo gaaraya Janaale ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in ay halkaasi ku dagaalameen  Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maleeshiyada falaagada Al-shabaab.

Dagaalkan ayaa yimid kadib markii Ciidamada Dowladda Federaalka ay weerar ku qaadeen fariisimo maleeshiyada Shabaab ay ku leeyihiin degaanka Janaale.

Labada dhinac ayaa isku adeegsaday Hubka nuucyadiisa kala duwan, taasi oo sababtay in Dagaalka uu socdo mudo saacado ah, sida ay sheegeen dadka degaanka.

Inta la xaqiijiyay Dagaalkan ayaa waxaa ku geeryootay dad ka badan 10 Qof, oo ahaa dhinacyadii dagaalamay, halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen.

Dadka degaanka ayaa Warbaahinta gudaha dalka u sheegay Ciidamada Dowladda markii hore Shabaab in ay kala wareegeen degaanka Janaale, balse dib ay uga baxeen, taasi oo ilaa hada sababteeda aanan la ogeyn.

 

HOOS KA DHAGEYSO