TOP NEWS:- Ciidamada Ciraaq oo maleeshiyaadka ururka Daacish ka saaray Masaajidka Al-nuri.

0

Ciidamada Militariga Ciraaq, ayaa muddo dheer ka dib gaaray Masaajidka qadiimiga ah ee Al-nuri ee Magaalada Mosul. Masaajidkan waa halkii saddex sano looga dhawaaqay Ururka Daacish, oo isu magacaabay (Dowladda Khilaafada Islaamka).

Militariga Ciraaq, ayaa saakay gulufkii ugu dambeeyay oo ay ku qabsadeen Masaajidka Al-nuri ku qaaday maleeshiyada Daacish, iyagoona ka saaray dhismaha Masaajidkaasi.

Waxaase soo baxaya in weli maleeshiyada Daacish ay ku sugan yihiin xaafadaha ku teedsan Masaajidka, oo muddo sideed boqol oo sano dhisan.

Daacish waxaa toddobaadkii hore lagu eedeeyay in ay burburisay dhismaha Masaajidka, balse Daacish oo eedeymahaasi iska fogeysay, ayaa sheegtay in burburka Masaajidka ay ka dambeeyan Dowladaha Mareykanka iyo Ciraaq.

Masaajidka Al-nuri iyo dhismooyinka kale ee ku dhow dhow, ayaa waxaa ka muuqanaya burbur baaxad leh, waana dhul si weyn loogu dagaalamay toddobaadyadii la soo dhaafay.

Marka laga hadlayo dagaalada ka soconaya Magaalada Mosul oo socday sideedii bilood ee la soo dhaafay, ayaa waxaa hadda la leeyahay waxaa ay ku dhow yihiin heer geba-gebo ah.

Daacish marxalado kala duwan ayay soo martay, waxayse marxaladda hadda taagan u muuqataa middii ugu adkeyd ee Daacish soo marta, mudadii ay jirtay.