DHAGEYSO:- Amarkii Madaxweynaha Mareykanka Trump oo xalay si rasmi ah u dhaqangalay.

0

Amarkii uu Madaxweyne Donald Trump uu uga mamnuucay inay galaan dalka Mareykanka, qaxootiga iyo muwaadiniinta ka soo jeeda lix waddan oo ka mid ah dalalka Islaamka ayaa dhaqan galay xalay 8-dii fiidnimo xilliga gobolada Bari ee dalka Mareykanka.

Xayiraada Madaxweyne Donald Trump ayaa waxa ay socon doontaa mudo 90 cisho ah, waxaana 90-ka beri la filayaa in cadaadis la saaro dadka sharci darada ku galaya Mareykanka.

Amarkan ayaanan qaban doonin shakhsiyaadka Mareykanka ay u joogan dad ka mid ah Qoyskooda iyo dadka ku leh Ganacsiga hadii ay heystaan dal ku gal sax ah.

Saraakiisha Socdaalka Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay sharcigan in ay ka badbaadi doonaan dadka mar hore loo sii sheegay in ay Mareykanka tagi doonaan ka hor 6-da Bisha July.

Dadka bartilmaameedka u ah amarka Madaxweynaha Mareykanka ayaa ah muwaadiniinta u dhashay dalalka Iran, Libya, Somalia, Sudan, Syria and Yemen.

Waaxda Amniga Gudaha Mareykanka ayaa u xaqiijisay dadka musaafurka ah in aysan la kulmi doonin isk-dhax-yaacii ka dhacay garoomada diyaaradaha markii ugu horeysay ee uu dhaqan galay amarkii Madaxweyne Trump bishii March ee sanadkaan.

Maxkamadda Sare ee Mareykanka ayaa Isniintii dib u fasaxday amarka Madaxweynaha Mareykanka uu si kumeel gaar ah ugu diiday in ay Mareykanka ku tagaan muwaadiniinta u dhashay lix waddan oo ka mid ah dalalka Dunida Islaamka.

HOOS KA DHAGEYSO