TOP NEWS:- Adeega Internet-ka oo Maalintii Lixaad ka maqan Gobolada Koonfurta Soomaaliya iyo Isniinta ama Talaadada oo lagu wado.

0

Adeegga Internet-ka Soomaaliya ayaa ka maqan gobollada koonfurta maalinkii lixaad oo xiriir ah, waxaana muuqata qalad weyn oo Soomaaliya ka jira, oo dhaliyey saameyn ballaaran.

Maqanaanshaha internet-ka ayaa yeeshay saameyn xooggan, islamarkaana sababay inay istaagaan adeegyadii guud ee aas-aasiga ah ee dalka, maadaama internet-ka hal meel ka yimaado.

Internet-ka oo ah nooca Viber Optic ayaa waxaa keena fiilo weyn oo badda soo marta, taasi oo la sheegay inuu jaray Markab badda marayey, waloow dadka badankii ay isweydiinayaan fiilada badda hoos marta waxa u geeyay markab badda dusheeda maraya, taasoo sababtay inay dadku isweeydiiyaan Cilad miyaa jirta mise waa cunaqabateyn casriyeysan.

Waxaa intaas dheer, in dadku aysan awoodin inay la xiriiraan ehalladooda dibedda ama akhristaan wararka waxa ka socda guud ahaan Soomaaliya iyo caalamka, oo ku xiran internet-ka.

Shalay ayay ahayd markii la shaaciyay in ay soo gaareen Soomaaliya qubaradii hagaanjin lahayd iyo markab u sida qalabkii ay ku shaqeen lahaayeen, waloow warar ka dambeeyay warkaa ay sheegayeen in dawladda Soomaaliya markabkii sameyn lahaa ay ka dalbatay dalka Cumaan.

Dhinaca kale warar si hoose ay ku heleyso warbaahinta Allgalgaduud Media ayaa waxa ay sheegayaan in maalmaha Isniinta ama talaadada in qadka Internet-ka uu dib ay u helayaan Gobolada Koonfureed ee Soomaaliya.

Isku soo wada duuboo wariyeyaasha ka hawlgala websideyada iyo warbaahinta intooda badan ayaa awoodin inay wararka geliyaan website-yada, si ay u akhristaan dadka qurbaha jooga ee ku taxan wararkooda, inkasta oo Website-yada waa weyn qaarkood ay adeegsaneyaan in taleefanno wararka loogu soo gudbiyo, kadibna laga qoro dibedda dalka, halka markii hore intooda badan gudaha dalka laga soo qori jiray wararkooda.

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media