DAAWO:- R/wasaare Kheyre Mahadnaq iyo Bogaadin ayuu naga mudan yahay ee nagama mudna Mooshin iyo Muran.

0

Tiro yar oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sida la sheegay dhawaan diyaarinaya mooshin ay xilka uga tuurayaan R/wasaare Xasan Cali Kheyre (Xasan Bille).

Laakiin mudada gaaban ee uu xilka hayo RW Kheyre waxaa lagu amaanay inuu dadaal badan ku bixiyay sidii uu dalka uu u gaarsiin lahaa meel sare isagoo dhiiro galiye unoqday dhalinyarada iyo dadka guud ahaan dad Soomaaliyeed ee ku kala nool gobolada dalka.

Dad badan ayaa isweydiinaya sababta keentay in Mooshinka la diyaariyo xili R/wasaare  Kheyre ilaa haatan uu qabtay howlo aan lasoo koobi karin mudadii yareed ee uu xilka hayay.

Mudo 60 Maalin gudahood ah hadii Howshan uu ku qabtay R/wasaare Xasan Cali  Kheyre (Xasan Bille), muxuu qaban karaa mudo afar sano ah, Miyaysan u muuqan kuwa wada Mooshinka in Mooshinkooda uu yahay mid lagu deg degay ama aan laga fiirsan?

Dhinaca kale Bal aan  dib u milicsano kuwa wada mooshinkan ka dhanka ah Xukuumada R/wasaare Kheyre, waa kuwama? waa kuwii afarta sano soo ahaa Wasiirada ama Xildhibaanada, tusaalaha ugu yar uguna muhiimsan ee aan usoo qaadan karo waxaa kamid ah, waxay afarta sano qaban waayeen sida in Ciidamada iyo Shaqaalaha dawladda ay siiyaan xuquuqdoodi (Mushaarkoodi) haddii mudadan gaaban lagu siiyay, ma waxay ahayd inay dhuuntaan oo aamusaan, wejiyadoodana naga qarsadaaan mise waxay ahayd inay isa soo murtaxaan oo ay faraqa ku dhagaan nin ka waxqabad badan? Bulshadu waa idin taqaan, waana idinku maadsanayaan maadaama aaad u dhaqmaysaan Awr xargo la’a.

Isku soo wada duuboo xaqiiqdi R/wasaare Xxasan Cali Kheyre (Xasan Bille) Mahadnaq iyo Bogaadin ayuu naga mudan yahay ee nagama mudna Mooshin iyo Muran cidlo ah, waxuu naga mudan yahay inaan hiil iyo hooba la garab istaagno si loo bad baadsho dalkan iyo dadkiisa.

HOOS KA DAAWO