XOG:- Xildhibaanada Damujadiid oo wada dhaq dhaqaaq ka dhan ah Xukuumada R/wasaare Kheyre iyo Shacabka oo u diyaar garoobay dagaal…

0

Wararka naga soo gaaraya ilo wareedyadeena ku sugan magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Xildhibaannada Damuljadiid ee ka midka ah mudaneyaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo tiradooda gaareyso 90 Xildhibaan inay wadaan dhaq dhaqaaqyo ay uga soo horjeedaan Xukuumada R/wasaare Xasan Cali Kheyre iyagoo sida la sheegay ka faa’ideysanaya beelaha saluugsan awood qaybsiga xukuumadda R/wasaare Kheyre.

Warkan ayaa intaaasi waxa uu ku darayaa Tiro ahaan in Xildhibaannadan ay yar yihiin, waxaase la xaqiijiyay in ay tiro ahaan badan yihiin Xildhibaanada taageersan Xukuumada R/wasaare Xasan Cali Kheyre, Xildhibaanadan Damujadiidna dhaq dhaqaaqa ay wadaana uu yahay hal bacaad lagu lisay iyo khaatumo seeg.

Ilo wareedyadeena lagu kalsoon yahay ayaa sidoo kale inoo sheegay in Xildhibaannada Damuljadiid waxa ay doonayaan oo kaliya ay tahay in markaan meesha laga saaro R/wasaare Kheyre islamarkaana ay abaabulka mooshinkana ay kaalinta Koowaad ka galaan.

Dhinaca kale xalay afartan xildhibaan oo ah kuwa Damuljadiid ayaa kulan qarsoodi ah ku yeeshay mid kamid ah Hoteellada ku yaalla Muqdisho, waloow markii dambe ay goobtaasi ay gaareen Odayaal Dhaqan, odayaasha dhaqanka ee halkaasi gaaray ayaa si cad ugu hanjabay Xildhibaanada Damujadiid iyagoo u sheegay inay idaacaha ka hadli doonaan shacabka Soomaaliyeed una sheegaya in Xildhibaanadan Damujadiid ay yihiin kuwo ummada Soomaaliyeed u diidan Nabada iyo Nolosha haddii aysan ka waantoobin amaba dawladda ka deyn dibin daabyada ay ku hayaan, taasoo ugu dambeyn sababtay in Xildhibaanada Damujadiid ay ku kala yaacaan madashii kulankooda .

Isku soo wada duuboo Maalmahan dambe waxaa jiray guux badan oo ku aadan xukuumadda Kheyre iyo mooshinka socda kana dhanka ah Ra’iisul wasaaraha, sidoo kalena waxaa jira guux badan oo kasoo yeeraya Shacabka Soomaaliyeed oo wacad ku maraya inay difaacayaan Xukuumada R/wasaare Kheyre, kuwa mooshinka wadana ay goobaha ay joogaan ama ku sugan yihiin ku dhagax tuurayaan.

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media