TOP DAAWO:- Wafdi uu hogaaminayo Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya oo shalay gaaray magaalada Hargeysa.

0

Dawladda Maraykanka ayaa markii u horaysay dhawrkii sannadood ee u dambeeyay, waxa ay wafdi culus u soo dirtay maamulka goboleedka Somaliland.

Wafdigan oo ka kooban dhawr xubnood waxaa hoggaaminaya safiirka Maraykanka ee Soomaaliya Danjire Stephen Schwartz, waxaa ayna shalay gaareen magaalada Hargeysa.

Ujeedada safarka Wafdigan, inkastoo aan laga soo saarin war rasmi ah, haddana wararka leysla dhexmarayo ayaa waxa ay sheegayaan in ujeedada ugu weyn ay tahay inay culays ku saaraan dhinacyada ay khusayso sidii aanay doorashada mar dambe dib uga dhicin bisha November ee loo qorsheeyay.

Wafdigan ayaa waxa ay xalay bilaabeen kulamo ay la yeesheen hogaamiyeyaasha xisbiyada siyaasadda oo ay kala hadleen arrimaha doorashooyinka waxaana kamid ahaa kulankaas xubnihii ka qaybgalay guddoomiyaha xisbiga Muuse Biixi Cabdi, guddoomiyaha UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, halka uu xisbiga Waddani uga qayb galay xoghayaha arrimaha dibadda Waddani Dr. Maxamed Cismaan Fadal.

Waxa kale oo uu warku sheegay in wafdiga Maraykanka ah kulan la yeesheen guddiga doorashooyinka oo ay iyagana kala hadleen arrimaha doorashooyinka iyo sidii looga wada shaqayn lahaa qabsoomida doorashada madaxtooyada.

Dhinaca kale, wafdigan ayaa sidoo kale waxay dawladda lafteeda kala hadli doonaan dhaawaca Somaliland soo gaadhaya haddii doorashadu mar dambe dib uga dhacdo bisha November, iyadoo la ogyahay saamaynta ay Somaliland ku yeelatay dib u dhaca doorashooyinkii hore, waxaana la filayaa inay kulan la yeesheen wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire.

Isku soo wada duuboo, socdaalka wafdigan ayaa muujinaya bidhaan ah in Maraykanku doonayo inuu ka qayb qaato sidii ay doorashadu ugu qabsoomi lahayd wakhtigeeda, xilli ay beesha caalamka ka niyad jabeen geedi socodka dimuqraadiyada ee Somaliland.

HOOS KA DAAWO

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media