TOP NEWS:- Sugidda Amaanka Shacabka Muqdisho Iyo Amaro Cusub oo lasoo saaray.

0

Ciidamada sugidda ammaanka Muqdisho ayaa sii adkeeyay howgallada dhinaca ammaanka ah ee ay ka wadaan Caasimadda.

Ciidamada ammaanka ayaa bilaabay inay su’aalo weydiiyaan dadka soo gelaya magaalada oo ay ka mid tahay inay cid ka garanayaan magaalada oo damiin ka noqota, waxaana la sii xoojiyay baaritaanka gaadiidka soo galaya caasimadda.

Gaadiidka Khudaarka ka keena laba gobol ee Shabeelooyinka ayaa lagu soo rogay in baaritaan dheeraad ah lagu sameeyo oo aanay geli karin caasimadda, waxaana lagu celiyaa koontaroolada laga soo galo magaalada.

Dhinaca kale Howgalkan ayaa ku soo beegmay iyadoo laga soo baxay bishii Ramadaan laguna dhex jiro toddobaadkii xoriyadda, waxaana magaalada ka socda diyaargarowga xuska 1-da Luulyo ee sanadguuradii 57-aad xoriyadda Gobollada Koonfureed iyo Midowgii Waqooyi iyo Koofur oo ay ka dhalatay Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Isku soo wada duuboo waddooyinka magaalada Muqdisho ayay ciidamadu baarayaan dadka iyo gaadiidka, kadib markii la xiray wadooyinkii xaafadaha oo keentay ciriiriga maritaanka wadooyinka waaweyn.

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media