TOP DHAGEYSO:- Khilaafka Carabta Iyo Wararkii ugu dambeeyay.

0

Dalalka Carabta uu Xayiraada saaray dalka Qatar ayaa umuuqda kuwa diyaar u ah in mudo dheer uu qaato khilaafka xili ay diideen iney maqlaan baaqa wadamada caalamka.

Dalalka Ruushka, Mareykanka iyo Yurub ayaa ugu baaqaya xulifadda Sacuudiga iney la yimaadaan dalabyo sax ah oo la aqbali karo, laakiin safiirka Imaaraadka ee Ruushka ayaa ku hanjabay in aan xayiraada la qaadi doonin.

Arimaha ugu waa weyn ee maanta ka jira Khaliijka waxaa kamid ah in Safiirka Imaaraadku yiri ”Aljazeera waa in la xiraa maxaa yeelay anaga dalalkeena kama shaqeeyaan xoriyadda saxaafada:.

Dhanka kale, soo galooti badan oo kasoo jeeda dalal ay kamid yihiin Bangladesh, India, Pakistan iyo Nepal oo shaqo ka doontay Sacuudiga ayaa meel cidlo ah soo istaagay kadib markii ay waayeen meel ay seexdaan maxaa yeelay dalalkooda ayaanan xariira ujarin Qatar sidaas Hay’adaha Xaquuqda aadanaha ayaa sheegaya.

Ra’isul wasaaraha dalka Japan Shinzo Abe ayaa dhanka kale sheegay in wax layaab ah ay yihiin qodobadii 13-ka ahaa ee kasoo baxay afarta dale e Carabta, waxaana uu taageero ufidiyay Qatar.

Mareykankana waxaa u mar kale ku baaqayaa in la xaliyo khilaafka Carabta kadib kulan uu la qaatay masuuliyiinta dalka Kuwiet.

HOOS KA DHAGEYSO

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media