XOG:- R/wasaare Kheyre oo seefta galka kala baxaya iyo shan Wasiir oo Xilka laga qaadayo.

0

Wararka naga soo gaaraya Ilo wareedyadeena ku sugan magalaada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre lagu wado inuu shaqada ka eryo Wasiiro ka tirsan xukuumadda kadib markii ay shaqadoodii gabeen, waloow ilo wareedyadeena qaar ka mid ah ay yiraahdeen isku shaandheen weeye qorshahan ee ma’ahan shaqo gudasho la’aan.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in wasiiradan ay tiro ahaan gaarayaan illaa shan wasiir islamarkaana uu ka mid yahay Wasiirka Ammniga Maxamed Abukar Islow Ducaale, oo sida ay sheegeen qaar kamid ah ilo wareedyadeena gabi ahaan gabay shaqadiisi kadib qorshe la’aan dhanka Ammniga ah.

Sida ay inoo soo tabinayaan qaar kamid ah ilo wareedyadeena wasiirka Ammniga ayaa lagu haystaa shacabka iyo dowladda in uu iska horkeennay maadaama uu Ammray in la xiro waddooyinka xaafadaha, shacabkana la marsiiyo cadaadis baaaritaan ah oo aan habayaarto’e lahay wax miro dhal ah.

Dhinaca kale iyadoo taasi ay jirtay ayaa hadana waxaa magaalada bartamaheeda ka dhacay qaraxyo aad u xooggan, waxaana taasi ay keentay in R/wasaare Xasan Cali Kheyre uu si aad ah uga carooday.

Isku soo wada duuboo waxaan la xaqiijin karin amaba la ogeyn xiliga uu R/wasaare Xasan Cali Kheyre qaadi doono talaabadan uu shaqada uga eryayo ama isku shaandheentan shantan Wasiir sameenayo, maadaama talaabadan ay tahay mid aad u culus, una baahan ka fiirsasho dheer.

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media