TOP NEWS:- Saraakiisha Amaanka Puntland oo ka digay weeraro kale oo uga yimaada Daacish.

0

Saraakiisha amniga Puntland ayaa digniin ka soo saaray weeraro Kooxda Daacish ku qaado xarumaha iyo saldhigyada ciidamada.

Taliyaha Aaga Qandala ee Ciidamada Puntland ayaa sheegay in deegaanada buuraha ay ka socdaan dhaq dhaqaaqyo ciidan ay wadaan dagaalyahano ka tirsan Daacish.

“Dhulka buuraleyda ee Qandala ku hareereysan waxaa ka imaan karto halista weeraro ay soo qaadaan Daacish, waa in laga feejignaadaa”ayuu yiri Taliyaha Ciidamada Puntland ee Aaga Qandala.

Waxaa uu sheegay in looga baahan yahay dowladda inay sameyso qorshayaal looga hortagayo suura galnimada weeraro halis ah oo ay wadaan kooxaha Daacish sida uu yiri.

Dagaalyahano ka tirsan Daacish ayaa dhamaadkii sanadkii hore la wareegay degmada Qandala, halkaasoo ay heystaan ku dhowaad labo bil, waxaana markii dambe la wareegay Ciidamada Puntland.

Dhowaan ayay aheyd markii Daacish ay magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ka geysatay weerar is qarxin ah, kaasoo ahaa kii u horeeyay ee ay Soomaaliya ka fuliso kooxdan.

Maamulka Puntland ayaa waxaa xilligan ku furan labo aag oo dagaal ah, Shabaab iyo Daacish, iyadoo 8-dii bishan June Al-Shabaab ay weerar culus ku qaadeen saldhig Ciidamada Daraawiishta Puntland ku lahaayeen deegaanka Af Urur, waxaana weerarkaas lagu dilay in ka badan 50 askari.