DHAGEYSO:- Gudoomiyaha Degmada Caluula oo ka warbixiyay qaraxa weyn ee laga maqlay xeebaha Gobolkaas.

0

Gudoomiyaha degmada Caluula ee gobalka Gardafuu ayaa faahfaahin ka bixiyey qarax weyn oo laga maqlay xeebaha gobalkaas, gaar ahaana deegaanka Muraancayo oo la xaqiijiyey u ku dagay markab weyn oo u muuqday kuwa dagaalka.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in ay xog ah ilaa hadda ka heynin dhacdadan, oo ay baaris ku hayaan ayna xog keeni doonaan.

Gudoomiyuhu wuxuu kaloo cadeeyey in la maqlay qaraxa weyn ee markabkan iyo markabka oo halmar dagay, isla markaasna aan faahfaahin badan laga heynin.

Goobjoogayaal ayaa cadeynaya in markabkan aagii uu ku dagay ay joogaan Maraakiib waa weyn oo kuwa dagaalka ah, isla markaasna oo goobtaas ku sugan.

Warar madax banaan ayaa sheegaya in aysan jirin wax banaanka uga yimid markabkan, balse uu dab ka dhex-dhashay ayna isku dayeen in ay dhanka xeebta u dhawadaan, laakiin taas ayaan suuragal noqonin.

Maraakiib uu gargaar weydiistay ayaa goor dambe soo gaaray,waxaana aan jirin cid laga badbaadiyey Hantidii saareyd sidda ay sheegayaan dadka deegaankaas.

Kalluumeysata deegaanka ayaa walaac ka muujiyay waxa dhacay, iyagoo ka cabsi qaba saameynta deegaanka ay ka kaluumeystaan ay ku keeni karto, haddii sida ay sheegayaan uu noqodo Markab qarxay oo degay.

HOOS KA DHAGEYSO