TOP NEWS:- Dawladda Mareykanka oo Fariin adag u dirtay Xulufadda Sacuudiga.

0

Xoghayaha arimahadda dibadda Mareyanka ayaa shaaca ka qaaday iney dalabkii dalalka Carabta ay udireen Qatar ay yihiin kuwa ay adag tahay in la qaato.

Bayaan kasoo baxay xoghaye Rex Tillerson ayaa sheegay in liiska Saudi Arabia, Imaaraadka, Bahrain iyo Masar ay ku jiraan qodobo ay adag tahay in laga wada hadlo.

“Talaabada labaad waa in dalalkan ay si wada jir ah ufadhiistaan oo ay wada hadlaan,”ayuu yiri Tillerson, oo xaqiijiyay in Qatar ay bilowday iney dib u eegto liisii dalabka ahaa ee ay dalalka Carabta ah usoo gudbiyeen.

“Waxaan aamisanahay in xulufadeena ay xoogan yihiin marka ay si wadajir ah ushaqeynayaan oo ay leeyihiin hal hadaf taas oo ka dhigan in la isku raaco joojinta Argagaxisada iiyo xagjirnimadda.”ayuu hadalkiisa ku daray masuulkan uhadlay Mareykanka

Waxaa uu sidoo kale sheegay in xukumadda Washinntong ay taageereyso dadaalka Kuwiet ay ku dooneyso iney ku xaliso xiisadda Carabta iyo Qatar ee bilowday 5-tii bishii June.