Maleeshiyaadka Falaagada Argagixisada Ah ee Al Shabaab oo Xalay weerar ku qaaday degmada Afgooye.

0

Maleeshiyadka falaagada argagixisada ah ee Al Shabaab ayaa xalay weeraray Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose, iyadoona ay laba jiho ka weerareen.

Shabaabka, ayaa Degmada Afgooye ka weeraray dhinaca Buulo Fooliyo iyo Buundada Yar, oo labaduba ay fariisimo ku leeyihiin Ciidamada Dowladda Somaliya.

Nin ka mid ah dadka deegaanka, ayaa yiri “Anagoo hurudno ayaan ka war helnay rasaas xoogan oo magaalada is qabsatay, waan ku qalqalnay rasaastaasi, mana garan karin meesha nalaga jiro.”

Ninkan oo ka gaabsaday magaciisa, ayaa yiri “Ciidamada Amisom oo xarun ku leh Buundada weyn, ayaa hubka waaweyn ku tuuray meelihii ay weerarka ka soo qaadeen Al Shabaab, oo soo weerartay Ciidamada Dowladda ee ku kala sugan Buulo Fooliyo iyo Buundada Yar.”

Waxaa uu intaa ku daray “Ciidamada Booliska, Nabad Suggida iyo Militariga, ayaa ka hortagey inay magaalada gudaha u soo galaan, dib ayayna u laabatay Al Shabaab, laakiin hadda waxaan maqleenaa inay soo rogaalceliyeen, wax dagaal ahna ma socdo, ee waala is horfadhiyaa.”

Madaxa Arrimaha Bulshada ee Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose, Cumar Maxamuud Cilmi (Cumar Carabey), ayaa Ciidamada Dowladda ku ammaanay sida ay weerarkaasi u fashiliyen.

Isku soo wada duuboo Ilaa hadda wax faah faahin ah lagama hayo khasaaraha ka dhashay weerarkan, waxa uuna ku soo aadayaa, xilli maanta si weyn looga ciiday Degmada Afgooye.