DAAWO:- Qufulka dadban ee Muqdisho saaran iyo ciriiriga wadooyinka ka jira

0

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa saaran quful dadban, waxaana jira ciriiri xoogan oo ka taagan wadooyinka laamiyada ah ee Magaalada, kadib markii si aad ah loo kordhiyay goobaha Koontaroolada ah ee ciidamada ay ku baaraan gaadiidka.

Iyadoo ciidanka amniga ay sugayaan, gaadiidkana ay baarayaan haddana ma jirto nafis ku aadan isticmaalka wadooyinka Magaalada oo meeshii aad ku tagi jirtay 20 daqiiqo, hadda waxaad ku tageysa Saacad iyo bar sida gaadiidka feel dheer ay ugu jiraan.

Ciriiriga ka taagan wadooyinka Magaalada Muqdisho wuxuu sii kordhay, kadib markii dowladda Somaliya ay u bareertay  inay jarto wadooyinka Jidcadyaasha ah ee laamiyada si toos ah ugu soo dhaco oo markii hore gaadiidka ay ku kala nafisi jireen, marka ciriiri badan laga dareemo wadooyinka laamiyada ah.

Xaaladda Magaalada Muqdisho ayaa hadda u muuqata inuu saaran yahay quful dadban, dadkana ma muujin karaan dareenkooda ku aadan dhibaatada ay ku qabaan wadooyinka Magaalada, sababta waxa ay tahay inaysan bulshada qaban karin banaanbax ay ku dalbanayaan rabitaankooda.

Qufulkaan dadban ee Magaalada saaran wuxuu ku soo aadayaa, iyadoo maalmahan dadka reer Muqdisho ay isku diyaarinayaan ciidul Fidriga oo waqti kooban ay inaga xigaan.

Laamaha ammaanka dowladda ayaa xalka amniga Muqdisho u arka xirnaanshaha wadooyinka jidcadyaasha iyo ciriiriga xoogan ee ka jira wadooyinka caasimadda ee Muqdisho oo gaadiidka ay ku jiraan maalin kasta fayl dheer.

Xaaladahaasi oo Bulshada ay u dulqaadanayaan ayeysan haysan dadka reer Muqdisho ammaan buuxa, oo Bishan Ramadaan kaliya Magaalada waxaa ka dhacay saddex qarax oo khasaare kala duwan gaystay oo goobaha Bulshada lala beegsaday.

Saraakiishii hore ee ammaanka ayaa ku talinaya in dowladda ay wax ka badasho hanaanka ay iminka ku sugeyso ammaanka Magaalada Muqdisho.

Hoos ka Daawo Sawirada:-