Ruushka oo sheegay in ay duqeyn ku dileen hogaamiyihii IS Abubakar al-Bagdadi

0

Dowlada Ruushka ayaa sheegtay in ay ka shakisan tahay in ciidamadeeda ay weeraro duqeyn ah oo ay ka geysteen duleedka xarunta ururka IS ee Raqqa  ku dileen hogaamiyaha ururka IS Abu Bakr al-Baghdadi
Wasaaradda Difaaca Ruushka ayaa sheegtay in baaritaan ku heysto xog sheegeysa in hogaamiyaha Daacish Abuubakar Al-baqdaadi  lagu dilay duqeyn bishii hore ka dhacday dalka Suuriya.

“May 28, kadib markii diyaaradaha aan duuliyaha lahayn loo isticmaalay in lagu ogaado akhbaar sax ah ee ah goobta iyo waqtiga uu dhacayo kulan uu ka soo qeybgalayo  hogaamiye Baqdadi,ayay diyaaradaha Ruushka duqeeyeen halka uu kulanku ka socday,”ayaa lagu yiri warbixin ay soo saartay wasaarada gaashaandhiga Ruushka.

Hogaamiyaha ururka IS ayaa dhowr jeer oo hore  loo sheegay in lagu diley duqeyn ama la dhaawacay tan iyo markii uu ku dhowaaqay sanadkii 2014 khaliifnimadiisa waxana uu xilligaas bilaabay in uu la wareego qeybo badan oo ka mid ah dalka Ciraq. Hase yeeshee sheegashooyinkaas ayaa noqonayay kuwo been ah.

Haddii ay warbixintan noqoto run ayaa waxay ka dhigan tahay dharbaaxo culus oo ku dhacday ururka IS oo haatan isku dayaya inuu daafaco deegaanadii uu ka talinayay iyadoo laga soo saaray inta badan dalka Ciraaq iyo deegaano badan oo ka mid ah dalka Siiriya..

Saraakiil  u hadashay ciidamada Maraykanka aya alagu sheegay inaysan hayn warar xaqiijinaya sheegashada ciidamada Ruushka ee ah dilka hogaamiyaha IS.