Magaalo Cusub oo Taariikh Ku leh Muslimka Geeska Afrika oo laga helay Dalka Itoobiya

0

Gogobolka Harlaa ee bariga dalka Itoobiya ayaa laga helay magaalo qadiim ah oo la iska iloobay.

Waxaa la aaminsan yahay in magalaadani ay qarniyo ka hor ahaan jirtay xarun ganacsi.

Waxyaabaha haraagoodii la soo faagay ee dhulka hoostiisa loogu tagay waxaa ka mid ahaa masaajid dhisnaa ilaa qarnigii 12aad iyo qubuuro ay Muslimiintu dadkooda ku aasi jireen.

Madaxa kooxdan culimada ah ee baareysa haraagii hore ayaa sheegay in habka uu u dhisan yahay masjidka ay heleen uu la mid yahay sida masaajidda laga helay koofurta Tanzania iyo Waqooyiga Soomaaliya (Somaliland) oo waxay caddeyn u tahay inuu jiray xiriir taariikheed oo u dhexeeya bulshooyinka Islaamka ee Africa.