DHAGEYSO:- Baydhabo oo lagu qabtay rag ka tirsan Al-Shabaab oo dil argagax leh geystay

0

Ciidanka Booliska Koonfur Galbeed, ayaa waxay caweysnimadii xalay gacanta ku soo dhigeen nin ka tirsan mintidiinta Ururka Al Shabaab, kaasoo ka mid ahaa saddex nin oo habeen hore nin ku dishay Magaalada Baydhabo.

Raggan oo bistoolado ku hubeysnaa, ayaa waxay Masaajid ku yaala xaafadda Towfiiq ku dhex dileen marxuum Sheekh Maxamed Deyr, oo ka mid ahaa Ergadii Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya ku soo dooratay magaaladaasi.

Shacabka deegaanka oo aqoonsaday mid ka mid ah dembiile-yaasha, ayaa xogtiisa la wadaagay laamaha ammaanka, waxaana suurtagashay in gacanta lagu soo dhigo, iyadoona uu sheegay labadii kale ee la socotay.

Sarkaal ka tirsan Saraakiisha Booliska ee Koonfur Galbeed oo la hadlay Dhacdo.com, ayaa faah faahin ka bixiyay qaabka ay ugu suurtagashay soo qabashada raggaasi.

Sarkaalkan oo ka gaabsaday magaciisa, ayaa yiri “Ninkan waxaa xalay lagu arkay xaafadda Towfiiq oo ah meeshii lagu dilay Sheekh Maxamed Deyr. Shacabkii Masaajidka ku sugnaa markii uu dilka dhacayay, ayaa Ciidamada Booliska ku soo wargeliyay in ninkaasi uu jooggo xaafadda Towfiiq.”

“Ciidamada Booliska ayaa ku guuleystay inay soo qabtaan dhagar-qabahan, markii su’aalo la weydiiyayna wuxuu sheegay labadii kale ee dilka ku wehlineysay iyo meesha ay yaallan bistooladihii ay wax ku dileen. Ilaahay mahadii waxaa noo suurtagashay inaan gacanta ku soo wada dhigno.”

“Hadda waxan gacanta ku haynaa saddexdii nin ee dilka gaysatay, saddex bistoolado iyo bam gacmeed, soo qabashadooda waxaa gacan ka gaystay shacabka, waxaana ku bogaadinaynaa inay wada shaqaynta sii wadaan.”

“Shacabka waxaa muuqata inay hadda fahmeen in nabadiidka aysan rabin inay dilaan Ciidamada Dowladda oo keliya, laakiin ay rabaan inay wada dilaan dhammaanba shacabka Somaliyeed. Nimankan nabadiidka ah waa cadow ay leeyihiin shacabka Somaliyeed, waana in halmeel looga soo wada jeestaa.”

Si kastaba ha-ahaatee dadka reer Baydhabo, ayaa soo dhaweeyay tallaabada lagu soo qabtay saddexdan nin, maadaama ay dileen nin aan waxba galabsan.

Hoos ka Dhageyso Codka:-