Madaxweyne Trump oo qeyb ahaan joojinaya heshiiskii Obama ee Cuba

0

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa sheegay inuu laalayo qeyb ka mid ah heshiiska uu maamulkii Obama la galay dowladda Cuba, kaasoo uu ku tilmaamay “mid dhinac u janjeera”.

Asagoo ka hadlayay magaalada Miami ee gobolka Florida, ayaa waxa uu sheegay in siyaasadiisa cusub ay adkeyn doonto shuruucda saamaynaysa socdaalka iyo lacagaha loo diro dalkaasi jasiiradd ah.

Balse Trump ayaan meesha ka saari doonin xiriirka diblomaasi iyo kan ganacsi ee dhawaan ay dib u billaabeen labada dal, sidoo kalana waxaa sii furnaan doonta safaaradda Maraykanka ee Havana.

Trump ayaa sheegay in heshiiskii Maarso 2016 uu maamulka Obama la gaaray dowladda “arxanka darran” ee Castro uu ahaa mid “aad u xun” oo “la marin habaabiyay”.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale saxiixay amar lagu xoojinayo in muwaadiniinta Marayknka aanay u dalxiis tegin Cuba.

Amarkan cusub ayaa sidoo kale mamnuucaya in shirkadaha Maraykanka ay ganacsi la sameeyaan shirkadda ganacsi ee ciidanka qalabka sida ee Cuba, taasoo ku lug leh baayac-mushtar noocyo badan.

Balse waxaanu saamayn doonin shirkadaha diyaaradaha iyo kuwa maraakiibta ee Maraykanka in ay u safraan dalkaasi jasiiradda ah.