Dowladda Nigeria oo Sacuudiga ka raali gelisay timir deeq ah oo suuqyada la geeyay

0

Nigeria ayaa dowladda Sacuudiga u dirtay raaligelin ka dib markii 200 oo tan oo timir ah oo ay boqortooyadu ugu talagashay inay si bilaash ah ugu afuraan Muslimiinta Nigeria lagu arkay iyadoo lagu iibinayo suuqyada dalkaasi.

Timirta waxaa loogu talagalay Muslimiinta sooman ee ka soo barkacday colaadda kooxda Boko Xaraam.

Wasaaradda arrimaha dibedda ee dalka Nigeria ayaa sheegtay in la billaabay baaritaan ku aadan sida timritaasi ay ku dhacday in loo geeya suuqyada. Ilaa iyo hadda ma jirto cid loo soo xiray arrintaasi.

Wasaaraddu waxay intaasi ku dartay, in qorshuhu ahaa in guddiga dowladda Nigeria u qaabilsan barakacayaasha uu timartan saddaqada ahayd ka qeybiyo xeryaha ay ku nool yihiin barakacayaasha iyo qaar ka mid ah masaajiddada ku yaalla waqooyiga Nigeria.

Timirtan ayaa lagu arkay iyadoo lagu iibinayo suuqyada gobolka Borno oo ka mid ah gobollada ay saameysay colaadda Boko Xaraam

Ka dib siddeed sano oo xasilooni darro ah, ayaa 8.5 milyan oo qof oo ku nool waqooyi bari Nigeria waxay u baahan yihiin gargaar deg deg ah.