Dowladda Ethopia oo Wada hadal Ka galaysa Saamiga ay ku yeelanayso Dekeda Magaalada Berbera

0

Wasiirka Gaadiidka dalka Itoobiya Axmed Shide oo warbaahinta kula hadlay magaalada Djabuti ee Caasimadda dalka Jabuuti  ayaa sheegay  in wali wada hadal ka taagan yahay saamiga ay dawladiisu damacsan tahay inay ku yeelato dekeda magaalada Berbera.

Wasiir Axmed Shide oo Jabuuti kaga qayb galay furitaanka dekeda Tojara ayaa warbaahinta u sheegay inay soo dhawaynayaan maal gelinta dekeda Berbera ee Gobolka Saaaxil balse uu wali wada hadal ka socda saamiga ay doonayaan inay ku yeeshaan waxaanu yidhi

“Arinta ku saabsan saamiga aanu ku yeelanayno dekeda Berbera wali wada hadaladiiayaa socda, inaan maal gashano dekeda Berbera­na mawqif ahaan waanu taageersanahay aniga ayaanaqaabilsan arimahaas oo wada hadal ayaa noo socda, maal gelinta dekeda Berbera ee ay wadaan DP World iyo dawlada somaliland waanu dhiiri gelinaynaa anaguna qayb ayaanu ka nahay, dekedana Itoobiya ayaa aad u adeegsan doonta.”

Maamulka Somali-land ayaa dhawaan sheegay in Dowladda Ethopia 19% laga siiyay saamiga Dekadda Magaalada Berbera ee Gobolka Saaxil ,islamarkaan laga jaro shirkadda DP World ee Dalka Imaraadka Carabta.