DHAGEYSO:- Koonfur Galbeed oo sheegtay ciidamo dheeraad ah oo Shabaab la dagaalama in la diyaariyay

0

Ku simaha Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Maxamed Xasan Fiqi ayaa waxa uu Al-Shabaab ku eedeeyay in ay ka qeyb ka yihiin Barakaca Shacabka kunool degaanada maamulka Koonfur Galbeed.

Waxaa uu sidoo kale uu sheegay in la diyaariyay ciidamo badan kuwaa soo ka qeyb qaadan doona suggitaanka Amniga degaanada maamulka Koonfur Galbeed.

Maxamed Xasan Fiqi ayaa sidoo kale waxaa uu tilmaamay in degmo walbo oo ka mid ah degmooyinka maamulka Koonfur Galbeed in loo diyaariyay ciidamo ka badan 400 oo Askari.

Shacabka kunool degaanada maamulka Koonfur Galbeed ayuu ugu baaqay in ay la shaqeeyaan Ciidamada Ammaanka.

Hoos ka Dhageyso Codka:-