Dagaal kulul oo Xalay ka dhacay Degmada Baardheere

0

Ururka Al Shabaab, ayaa Xalay weerar culus ku qaaday xerada Ciidanka Militariga Kenya, ee qaybta ka ah Amisom ku leeyihiin Galbeedka Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Al-Shabaab ayaa waxay weerarkaasi soo qaadeen xilli dadka reer Baardheere ay u fadhiyen afurka, iyadoona uu dagaalku soo gaaray xilligii Salaadda Taraawiixda.

Labada dhinac, ayaa dagaalka isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala gedisan, taa oo baqdin ku dhalisay bulshada ku dhaqan Degmada Baardheere.

Dagaal-yahanada Al Shabaab, ayaa waxaa la sheegay in gantaalaha garbaha laga tuuro ay meelo fog fog kaga soo weerareen xerada Ciidanka Kenya, iyagoona soo gaaray afaafka hore ee xeradaasi.

Dadka deegaanka, ayaa sheegay in Ciidanka Kenya ay si adag u difaacdan xeradan, isla-markaana ay ka hortaggeen in lagala wareego gacan ku haynta xeradaasi.

Dhanka kale waxaa adag in faah faahin laga helo khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi iyo inta uu gaarsiisan yahay, xilliga oo habeen ah iyo dhaq dhaqaaqii magaalada oo noqday mid xadidan.

Waa weerarkii ugu xooganaa ee Shabaabku ku qaadaan xeryaha Ciidamada Amisom ku leeyihiin Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo, tan iyo markii ay curatay bishan barakeysan ee Ramadan.

22-kii bishii July ee sanadkii 2015-ka, ayay ahayd markii Ciidamada Dowladda iyo kuwa Midowga Afrika, ay si buuxdo ula wareegeen gacan ku haynta Degmadaasi Baardheere. Baardheere waa degmada ugu weyn ee Degmooyinka Gobolka Gedo.