Air Arabia oo ka shaqo bilaabi doonta Magaalada Hargeysa

0

Shirkadda Diyaaradaha Air Arabia ayaa sheegtay in dhawaan ay ka shaqo bilaabi doonto Magaalada Hargeysa ee Caasimadda maamulka Somaliland.

Shirkaddaan ayaa sheegtay in xiriir wanaagsan ay la yeelanayso maamulka is magacaabay ee Somaliland.

Duulimaadyadda Shirkadda ayaa waxa bilaaban doonaan waxii ka dambeeya 4 July  ee sanadkaan 2017-da.

Caadil Al-Cali oo ka tirsan madaxda shirkadda Air Arabia ayaa sheegay in Somaliland ay horumar la taabankaro ay gaartay Sanadyadii lasoo dhaafay.

Waxaa uu tilmaamay in todobaadkii ay ku tagi doonaan 2 duulimaad.

Shirkaddaan ayaa horay uu duulimaadkeeda Afrika bilowday Sanadkii 2004-tii waxaana ay tagtaa lix goobood oo ay  ku yaalla  Masar, Suudaan iyo Kenya.

Hadalka Shirkaddaan ayaa waxa uu kusoo beegmaya Xilli xiisadda u dhaxeysa dalalka Khaliijka ay sii kordheysa ,islamarkaana Somaliland ay la safatay dowladdaha Xiriirka u jaray dowladda Qadar.