WAR DEG DEG AH:- Madaxweynaha Somaliland oo Safar aan la shaacin ugu amba baxay Dalka Imaaraadka Carabta

0

Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saakay u duulay magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta.

Safarka Madaxweynaha Somaliland waxaa ku wehlinaya Wasiirka Maaliyadda maamulkaasi Zamzam Cabdi Aadan iyo xubno kale oo ka tirsan Golaha Wasiirada.

Safaraka Madaxweynaha Somaliland ayaa la sheegay in uu yimid kadib markii casuumaad ka helay madaxda ugu sareysa dalka Imaaraadka Carabta.

Afhayeenka Madaxtooyada maamulka Somaliland Xuseen C/laahi Cige oo warbaahinta la hadlay ayaa safarkan ku tilmaamay mid gaar ah, wuxuu kaloo tilmaamay maalmaha soo socda in ay Madaxweynaha ka daba tagi doonaan xubno kale.

Safarkan ayaa waxa uu ku soo beegmay, iyadoo maalmo ka hor xukuumada Somaliland ay qaadatay mowqif ay kula safatay dalalka Imaaraadka Carabta iyo Sacuudiga, kaasi oo lagu go’doominayo dalka Qadar.