Nin lagu dhex dilay Masjid ku yaala Magaalada Baydhabo

0

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa sheegaya in fiidkii hore ee xalay Magaalada lagu dilay Wadaad Caan ka ahaa Gobolka Baay.

Ninka la dilay ayaa la sheegay inuu kamid ahaa Ergadii Sanadii hore Xildhibaanada ku soo dooratay Xarunta Kumeel gaarka ah ee Maamulka Koofur Galbeed.

Dilka ayaa ka dhex dhacay Masjid ku yaala xaafada Towfiiq ee Magaalada Baydhabo, xili marxuumka la dilay oo Sheekh Maxamed Madeyr lagu magacaabi jiray uu isu diyaarinayay Tukashada Salaada Taraawiixda maadaama ay tukadeen Cishihii.

Marxuumka oo kamid ahaa Ergadii soo doortay Xildhibaan Maxamed Mursal Boorooow ayaa dhowr xabadood looga dhuftay qeybta sare ee Jirka taasoo keentay inuu durbaba isla goobta ku geeriyoodo.

Saraakiisha laamaha amaanka Baydhabo ayaa noo xaqiijiyay in ragii dilka geystay ay goobta ka baxsadeen balse Hay’adaha amaanka ay ku daba jiraan soo qabashadooda.

Al-Shabaab ayaa horay usheegay iney beegsan doonaan cid kasta oo ka qeybgasha soo xulista Xildhibaanadii labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxeyna dilalka loo geysanayo Ergooyinka ka socdaan Magaalooyinka; Muqdisho, Kismaayo, Jowhar, Cadaado iyo Baydhabo oo kii ugu danbeeyay xalay ka dhacay.

Dowladda Soomaaliya iyo Maamulada kale ee dalka kajira ayaan wali soo bandhigin cid loo soo qabtay dilalka loo geysto Ergada Xildhibaanada soo xushay.