Hay’adda IOM oo ka walaacsan xaalada Tahriibayaasha Soomaaliyeed

0

Hay’adda socdaalka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ay ka walaacsan tahay xaalada 260 qof oo ka soo kala jeedo Soomaaliya iyo Itoobiya kuwaasi oo tacadiyo kala duwan kala kulmaya kooxo burcad liibiyaan ah.

Hay’adda socdaalka Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in video la soo dhigay facebook 9-kii bishan ay ka soo muuqdeen dad Soomaali ah oo si daran loo garaacayo.

Hay’adda ayaa sidoo kale waxa ay xustay in qaar ka mid ah ehelada dadkaa lagu amray in ay bixiyaan lacag u dhaxaysa $8,000 ilaa $10,000, haddii kale in la dili doono ilmahooda.

Qof dumar ah oo indha ay u xiran yihiin oo ka timid magaalada Boosaaso islamarkaana haysato labo carrur ah ayaa sheegtay in maalin walbo la garaaco.

Nur Ali Awale ayaa sheegay in la soo qabtay 15 bil ka hor ayaa yiri”waxa ay igu garaacaan ul bir ah waxa ay igu amreen in aan bixiyo lacag dhan $8,300, balse qoyskeyga ma awoodo bixinta lacagtaa.”

Ugu dambeyntii Hay’adda IOM waxa ay sheegtay in ka walaacsan tahay muhaajiriinta magan galyo doonka ah ee doomaha ugu talaabayo badda u dhaxaysa Libiya iyo Talyaaniga.