DHAGEYSO:- Wasiirka Arrimaha Gudaha oo si kulul ugu hadlay dagaalada ka socda Gobolka Hiiraan

0

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa oo Maanta Warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa ka hadlay dagaal beeleedyada ka dhacaya Gobolka.

Wasiirka ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo dagaalada ka socda gobolka Hiiraan isla markaana ah dhinacyada dagaalamaya ay nabada qaataan.

Waxa uu sheegay in si shuruud la’aan ah lagu joojiyo dagaalka, waxa uu sheegay in Wasaarada Arrimaha gudaha ay ka shaqeyn doonto sidii dadka walaalaha ee Gobolka Hiiraan ku dagaalamaya loo heshiisiin lahaa.

Waxa uu Maamulka HirShabeelle iyo Maamulka Gobolka Hiiraan ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan joojin dagaalka iyo isku soo dhaweynta beelaha halkaasi ku dagaalamaya.

Maalmihii dambe ayaa dagaal u dhaxeeya labo beelood waxa uu ku dhex maraayay degaano ka tirsan Gobolka Hiiraan, waxaana qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’isal Wasaaraha baaq loogu diray beelaha halkaasi ku dagaalamaya.

Hoos ka Dhageyso Codka:-