DHAGEYSO:- Ra’isal Wasaaraha “ Dadka Soomaaliyeed khilaaf iyo Colaad kama dhaxeyso lkn Siyaasiyiinta waaye kuwa isdagaalsan”..

0

Ra’isal Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in ay ka shaqeynayaan sidii loo heshiisiin lahaa dadka colaada ka dhaxeyso ee ku sugan gobolada Dalka iyo Gobolka Banaadir.

Ra’isal Wasaaraha ayaa sheegay in uusan dagaal ka dhaxeyn Shacabka Soomaaliyeed balse ay isdagaalsan yihiin Masuuliyiinta, ganacsatada iyo Siyaasiyiinta.

Waxa uu sheegay in loo baahan yahay in meel loogu soo wad jeesto sidii nabad waarta loo heli lahaa isla markaana shacabka Soomaaliyeed ay u noqon lahaayeen dad midnimadooda xoojiya.

Waxa uu tilmaamay in dadka Soomaaliyeed ay hada diyaar u yihiin xoojinta dowladnimada iyo ka shaqeynta Nabadda.

Hoos ka Dhageyso Codka:-