DHAGEYSO:- Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in ay Cirib tirayaan Al-Shabaab, amarna siiyay Saraakiisha Ciidamada Dowladda

0

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Gelinkii Dambe ee Khamiistii Shalay  shir guddoomiyay shir deg deg ah oo ay yeesheen Guddiga Amniga Qaranka.

Kulankan  oo ay ka soo qeyb galeen Taliyeyaasha ciidamada, wasiirada amniga ayaa looga hadlay qaraxii iyo weerarkii Al-Shabaab ku qaaday Maqaayado caan ahaa oo ku yaala degmada Hodan.

Kulanka oo ahaa mid qaas ah oo  albaabada u laaban ayaa la sheegay in la isla soo qaaday in la xoojiyo amniga Caasimada, howl galada amniga ee socda, isla markaana la qaado tallaabooyin looga hortagayo weerarada Al-Shabaab ka geystaan goobaha shacabka.iyo xaruumaha Dawlada

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo mar hadalay shalay ayaa si kulul uga hadlayay weerarkii Maqaayadda Pizza House, halkaasoo lagu dilay dad u badnaa rayid oo ay ku jireen gabdho yar yar oo walaalo ahaa.

Wuxuuna sheegay Famaajo  in dabar go ,a Alshabab uu ku xiranyahay isku soo dhawaanshaha heyadaha amniga iyo shacabka sida uu hadalka u dhigay.

Hoos ka Dhageyso Codka:-